Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Kulankaas oo looga hadlayo arrimo kala duwan ayaa waxaa uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin, waxaana Madaxweyne Farmaajo kulanka ku ku wehlinaya la-taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo amniga.
Sidoo kale wafdiga kulanka la leh Madaxweynaha ayaa isugu jira xubno ka socda Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM.
Wafdigan ka socda Mareykanka ayaa daba socda walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuq maasuq iyo eex howlaha la xiriira dib u habeynta amniga, iyagoona arrimahaas ka digay.