Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faah faahin ka bixiyay safar gelinkii dambe ee shalay uu ku gaaray Gobolka Gedo.
Guddoomiye Shuute oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedkiisa Gobolka Gedo uu la xiriiro arrimo shaqo oo ku aadan Maxkamadda, isla markaana uu safarkiisa qaadan doono maalmo.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Shuute in Gobolka Gedo ay qorsheeyanayan inay ka hirgenayan Maxkamad loogu tala-galay inay ku shaqeeyaan Ciidamada, sidoo kalena lagu qaado falalka dembiyada ah ee wax loogu yeero agrgagixisada iyo falalka kale ee la geysta
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta uu degmada Balad-xaawo ka bilaabo dhageysiga dacwado la xariiro Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo falal amni darro ka sameeyay degmadaas.
Si kastaba Degmada Balad-Xaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo u dhexeeya Ciidanka Dowladda ee kal hore halkaas la geeyay, waxaana ugu dambeeysay maalin kahor oo Balad-xaawo uu ka dhaxay dagaal geystay Khasaaro dhaawacyo ah.