Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaaladda dalka ee Cudurka halista ah ee Coronavirus oo in ka badan 500 ruux oo qaba Cudurka laga helay gudaha dalka Soomaaliya.
Cali Geedi oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka uu yahay mid khatar ah oo looga baahan yahay in laga feejignaado, isla markaana la qaato tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta.
Waxaa uu sheegay Cali Geedi in xiligaan aan loo baahneyn in la siyaasadeyo Cudurka Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay Caalamka, sidoo kalena uu Cudurka kusii faafayo gudaha dalka Soomaaliya.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in Bandowga xiliga habeenkii ah ay dowladda kusoo rogtay Muqdisho uu yahay mid lagu doonayo in lagu xakameeyo faafida Cudurka COVID-19, wuxuuna xusay in Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka hadashay Bandowga uu isaga kala qaldan yahay xaalad deg deg ah iyo Bandow.
“Waxaa maqlayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ku celcelinaya Bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho sharci maahan, Bandowga maahan inta Golle la horgeeyo la ansixiyo, kadina la saxiixo ee Bandowga waxaa uu yahay shaqo maalmeed” ayuu yiri Cali Geedi.
Si kastaba hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo tirada dadka laga helay Cudurka ee dalka Soomaaliya gaartay 528 Ruux, halka ay Cudurka ugu dhinteen dalka 28 Qof.