Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Dacwad ka dhan ah Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin u gudbiyay Madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka.
Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madasha ay aad uga walaacsan tahay xogaha iyo warbixinada maalmihii dambe soo baxayay ee ku aadan inuu xiriir iyo wadashaqeyn ka dhexeeyso Hay’adda NISA iyo Al-shabaab.
Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Madasha oo taariikheysnaa 19-bishan Abriil 2020 ayaa waxaa lagu sheegay in si shacabka Soomaaliyeed loo saaro welwelka ku saabsan in uu xiriir ka dhexeeyo NISA iyo Al-shabaab, waa in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
Madasha ayaa sheegtay inay ka xun tahay in Hay’adda NISA laga sifeeyey Ciidamadii iyo saraakiishii loo tababaray arrimaha sirdoonka Qaranka loona gacan geliyey hogaankeeda shaqsiyaad leh dano siyaasadeed oo gaar ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Mdasha Xisbiyada.