Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Guddiga u saartay xaaladda Magaalada Qardho oo habeen ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay.
Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in Go’aan ay ku gaareen in Guddiga loo saaro daadadkii ku rogmaday Qardho, kuwaasi oo Gurmad deg deg ah gaarsiin doona dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada kasoo gaartay daadadka.
Waxaa uu sheegay Shariif Sh Axmed in warbixino ku aada xaaladda Qardho laga geystay xubno ka tirsan Madasha oo ku sugan Puntland, wuxuuna xusay in Guddiga oo iska kaashan doonaan sidii gurmad loo geyn lahaa halkaas.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in Madasha ay Go’aansatay in Guddi loo saaro xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha dalka Soomaaliya.
Guddiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Coronavirus ayuu Sheekh Shariif sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii tallaayin Caafimaad loo sii lahaa shacabka ee ku aadan ka hortega faafida Cudurka COVID-19 oo kusii faafaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.