Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxmed farmaajo uu diiday in ajandaha shirka lagu daro doodda la xariirta qodobada kala ah:
1- Muddo xileedkiisa iyo kan Baarlamaanka.
2- Masuuliyada amniga dalka xilliga doorashada.
3- In Soomali ama beesha caalamka marqaati ka noqdaan wadahadalka, si loo ogaado cida gardaran.
Waxaana uu intaa ku daray in Farmaajo uu masuul ka yahay fashil ka ku yimid in shirkii Afisyooni.
Hadalka CC shakuur ayaa imaanaya iyadoo Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii saddexaad kusoo dhamaaday natijo la’aan.
Waxaana Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuurkar Dubbe oo la hadlay warbaahinta uu maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sep.