Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiinsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doono waqtigii loogu tala galay,isla markaana uusan jiri doonin dhib u dhac ku yimaada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu tilmaamay in bisha July ee Sanadkan 2019 ay dhici doonto Doorashada,iyadoona laga hormarin doono wadahadal.
Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ayuu xusay in looga baahan yahay in ay xaliyaan Khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isla markaana Galmudug ay keenaan meel wanaagsan, Doorashadana ay ku dhacdo waqtigeeda.
Hadalka Wasiir Sabriye ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa,iyadoo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu sheegay in aysan dhici doonin doorasho sanadkan, hayeeshee ay ka dhici doonto doorashada saddex sano kadib.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Sabriye.