Akhriso:-Qodobada la isku mari waayay shirkii Afisyooni iyo kuwa la isla fahmay

Iyadoo uu fashil ku yimid shirkii ka socday Teendhada Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa jira qodobbo la isku fahmi waayay iyo kuwo la isku fahmi wayay intii shirku socday, kuwaaso oo maadxdu ay si weyn uga doodeen.

Waxaa isku soo dhowaansho laga muujiyay in qodabada ay ka mid yihiin:

1- Beesha caalamku damiin ka noqoto heshiiska fulintiisana ay damaand qaado

2- in Guddiga doorashada la beddelo.

3- In furitaanka Shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadda sida Madaxweynayaashi hore Guddoomiyeyaasha labada aqal.

Sidoo kale waxaa Waxyaabaha la isla fahmi waayay ee shirka fashiliyay ayaa waxaa ka mid ah:

1- Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubaland.

Qodobkaan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay madaxweynaha, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu shalay la kulmay ka socday odayaal ka soo jeeda Gedo

2- in amniga doorashada cidda qaadaneysa laga wadahadlo, Jubaland iyo Puntland waxay soo jeediyeen in Xukuumadda loo dhiibo, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu diiday awoodda amni iyo maamul ee doorashada

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor