Waxaa shalay Maxkamadda magaalladda Wichita ee Gobalka Kansas la soo taagay 3 nin oo lagu eedeynayo inay qarxin lahaayeen Masjid iyo Dhismo ay Soomaalida deggan tahay oo ku yaalla Degmadda yar ee Garden ee Gobalka Kansas.
Degmadda Garden waxay 210 mayl dhanka Galbeed ka xigtaa magaalladda Wichita, waxaana ku nool dad lgu qiyaasay 270,000 oo qof, kuwaasi oo intooda badan ka shaqeeya Wershdda lagu farsameeyo Hilibka Bacaysan.
Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Patrick Stein, Curtis Allen iyo Gavin Wright ayaa lagu eedeeyey inay qorsheynayeen Weeraro Argagixiso oo ka dhaca gudaha Maraykanka, oo ay ku burburin lahaayeen Masjid iyo Dhismo Hoy u ah 120-qof oo Somali ah.
Saraakiisha Dembi-baarista Bolika Federalka Maryknka ee FBI ayaa sheegtay in Haweeney la saaxiib ahayd mid k mid h Eedeysanayasha ku soo wargelisay Boliska inuu jir-dilay, isla markana uu farha ku jiro sidii uu u samayn lahaa waxyaabaha qarxa.
FBI-da waxay sheegeen inay Eedeysanahaasi gaarigiisa iyo gurigiisa ka soo heleen Kun Kiilo oo waxyaabaha qarxa iyo rasaas.
Maxkamadda magaalladda Wichita waxay amartay in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga, waxaana la filyaa in mar kale Maxkamad la soo taago Maalinta Jimcha ee soo socota.
Xeer-beegtida Maxkamadda magaalladda Wichita ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha muteysan karaan Xabsi Daa’im, maadama Fal-dembiyeedka lagu qabtay yahay mid ay dad badan ku le’an lahaayeen haddii ay geystaan qaraxa ay maleegayeen.
Eedeysanayaasha waxay doonayeen inay bisha November 9-da fuliyaan qaraxaasi, oo ay ku soo beegi lahayeen hal maalin kadib Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka.
©Radio Dalsan