Xaalad kacsanaan ah oo Caawa ka jirta deegaano ka tirsan Soomaaliland

Wararka uu Radio Dalsan ka helayo  magaalada Burco  ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in Gudaha  magaalada Burco uu ka socdo mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeedo musuq maasuqa ay cabasho ka keeneen Masuuliyiinta Xisbiga Wadani.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kaidb markii Maanta saraakiisha xisbiga WADDANI u qaabilsan komishanka Soomaaliland ay sheegeen in ay heleen cadeymo muujinaya musuq maasuq.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha Magaalada Burco,taas oo ay ridayaan ciidamada Booliska Soomaaliland si ay u kala eryaan shacabka mudaharaadka dhigaya.

Xaaladda magaalada Burco ayaa Caawa ah mid kacsan,lamana garanayo sida xaalku noqon doono, waxaana magaalada Burco lagu soo daadiyay ciidamo kala duwan oo ah kuwa Milateriga  iyo Booliska Soomaaliland.

Sidoo kale Magaalada Hargeysa ayaa Caawa la soo sheegayaa in sidoo kale ay Caawa xiisad tas la mid ah ay ka jirto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media