Warar dheeraad ah laga helayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay Gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.’
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in Wiilka lagu hor dilay Albaabka gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wiilka dhalinyarada ahaa ay dileen rag burcad ah, iyagoona falka kahor isku dayay inay ka qaatan Mobil uu heystay, hayeeshee uu diiday, sidaasina lagu toogtay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed, waxaana dad yaqaanay ay sheegeen inuu ahaa Wiil dhalinyaro ah oo aad u firfircoonaa.
Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhac ay geesanayaan kooxo hubeysan, iyagoona shacabka ka qaadanayay waxyaabaha ay gacanta kusitaan.