Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka Aadminimadda ee (The King Salman Center for Relief) ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen sidii ay 120 Qaxooti Soomaali oo ku noolaa Yemen dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.
Wargeyska Al-yoom ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Xarunta Boqor Salmaan bixisay kharajka Qaxootigaasi loogu kireeyey Markabkii u daad-gureyn lahaa Dekedda magaalladda Berbera.
Qaxootigaasi waxaa la sheegay inay bishan 25-dii ka soo shiraacdeen Dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, waxayna si nabad ah ku soo gaareen Dekedda magaalladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia.
Qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Yemen waxa uu qeyb ka yahay maalgelinta Xarunta Boqor Salmaan ee Hawlaha Samafalka Aadminimadda ee ay iska kaashadaan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM iyo Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku leeyihiin dalka Yemen.
Dhinaca kale, Qaxootiga Soomaalida ee laga soo daad-gureeyey dalka Yemen waxay u mahad celiyeen Xarunta Boqor Salmaan ee Samafalka taageeradda ay ka geyteen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.