Magaalada Cadaado waxaa xalay kulamo ku yeeshay Ra’iisul-wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya iyo wefdi xildhibaano heer fedraal ah oo halkaas gaaray maalmo ka hor.
Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa looga hadlay xaaladda Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Galmudug oo waqti dheer soo jiitamayay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in natiijo la’aan ay ku soo dhamaadeen kulamada dhex maray Ra’iisul-wasaaraha iyo xldhibaanada ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug.
Ra’iisul-wasaare Kheyre oo safar ku jooga Cadaado ayaa safarkiisii ugu horeeyay waxa uu ka soo bilaabay magaalada Dhuusa-mareeb oo kulamo muhiim ahaa uu kula soo qaatay madaxa xukuumadda Galmudug iyo gudoomiyaha Ahlu-sunna Waljamaaca.