Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee IMO ayaa sheegtay inay ugu yaraan 240 Qaxooti ah naftooda ku waayeen kadib, markii in ka badan 2 dooni ku degeen meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya ee Badda Mediterranean Sea.
Koox ka mid ah Qaxootigaas oo ay ku jireen kudhawaad 20 Haween iyo carruur ayaa la sheegay inay shalay galab la degtay dooni nooca caagga la buufiyo,
Afhayeenka Hay’adda IOM, Flavio di Giacomo ayaa sheegay inay doonidaasi degtay dhowr saacadood kadib, markii ay ka shiraacatay Xeebaha Libya, iyagoo ku sii wajahnaa Xeebaha Talyaaniga.
Wararka ayaa sheegayo in inta badan Qaxootiga quuseen, xilli ayt Kooxaha Gurmadfka yimaadeen goobta ay Doonida ku degtay.
Waxaa la soo badbaadiyey ku-dhawaad 27 qof, waxaana la soo saaray 12 mayd oo ay ku jireen 3 carruur ah.
Dhinaca kale, Dooni ay la socdeen ku-dhawaad 120 Tahriibayaal ayaa la sheegay inay ku degtay halkii ay ku degtay doonidii hore, waxayna Kooxaha Gurmadka sheegeen in la soo badbaadiyey 2 Haween oo keliya dadkii la socday doonida 2-aad ee ku degtay Xeebaha Libya.
©Radio Dalsan