War saxaafadeed ka soo baxay Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyey Heshiiskaasi.
Nuqul ka mid ah War Saxaafadeedka oo la soo gaarsiiyey Radio ayaa waxa uu u qornaa sidatan:
Dowlada Goboleedka Galmudug waxa ay soo dhaweeynayo heshiiskii is Afgaradka ahaa ee Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen magaalada Abu Dabi isutaga Imaaraadka Carabta
Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay si hufan usoo dhaweynsaa heshiiskii is-Afgaradka ahaa oo Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen maaalada Abu Dabi
isutaga maaraada Carabarta 01-11-2016,ayna goob jooga ka ahaayeen MadaxdaDowlad Goboleedyada Dalka Soomaliya oo dhan iyo Dowlada ImaaraadkaCarabta oo ayadu garwadeen ka ahaayd heshiiskaas.
Heshiiskaas oo ku saabsanaa soo afmeerida Colaada Magaalada Gaalkacyo oo in mudo ah ay ka jireen Dagaalo aan joogsi lahayn.
Heshiiskaan oo guud ahaan ka koobnaay Shan qodob oo muhiim u ah xal u helida dhibaatada Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa kala saxiixday labada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada ee Galmudug iyo puntland.
Dowladda Galmudug waxa ay u mahadcelineysaa Dowlada Isutaga Imaaradka Carabta kaalinta ay ka qaadatay heshiiskaas wax ku oolka ah oo lagu xalinayo dhibaatada Gaalkayo iyo garab istaaga Shacbiga Soomaliyeed.
Sidoo kale Dowlada Galmudug waxay Mar kale u mahacelineysaa Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Jubaland sida ay markasata ugu taagatahay fidinta gogosha nabadeed dhinacyada Galmudug iyo Puntland.
Ugu danbeyntii Dowlada Galmudug waxa ay soo dhaweyneysaa waxkasta oo xal waara looga gaarayo Colaada Magaalada Gaalkacyo iyo wada noolaanshah shacabiga walaalaha ee Gobolka Mudug