Haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Britain ayaa qorsheynayso in Somalia loo soo diro Boqolaal Askari oo tababar siiya Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.
Theresa May ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM ee haatan ka socda Xarunta QM ee magaalladda New York, waxayna sheegtay inay Dowladda Britain ka go’an tahay inay Dowladda Somlia ka taageeran dhinaca Ammaanka.
“Ilaa 900 Askari ayaa Somalia loo soo diri doonaa 18-ka bilood ee soo socda, si ay u tababaraan Ciiddanka Dowladda ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab” ayey tiri, waxayna hoosta ka xariiqday in Ilaa 30 koox oo midiiba ka ka kooban tahay 30 Askari loo soo diri doono Somalia.
Haatan 65 Askari oo British ah ku sugan gudaha Somalia, lana filayo in la soo daad-gureeyo Ciiddan kale si loo laban-laabo Awoodooda.
©Radio Dalsan