Iyadoo Dowladda Kenya ka ambaqaadaysa Xiisadda Diplomaasiyadeed ee ka dhalatay Xayiraaddii KMG ee ay Dowladda Somalua saartay Qaadka laga keeno ayaa waxay Dowladda Kenya indhaha ku haysa inay Labada Dowladood isla gaaraan in Fiisaha Dal-ku-galka ee labada dal laga dhigo Lacag La’an (A Free Visa Pact).
Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohmed Jibril waxay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ku heshiiyeen in la sameeyo Guddi Wadajirka ee Iskaashiga (A Joint Commission of Cooperation (JCC) oo ka wada hadlay sidii Lacag La’aan looga dhigi lahaa Dal-ku-galka Labada Waddan.
Muddadii uu socday Shirweynihii 53-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD ku yeesheen Muqdisho dhowr maalmood ka hor ayey Madaxda Somalia iyo Kenya ku heshiiyeen in la dhiso Guddiga Isku-dhafka ee Iskaashiga (JCC) si ay iskula meel dhigaan Fiisaha Lacag La’aanta “Free Visas”.
Tallaabadaasi ayaa loogu talagalay in ay Muwaadiniinta Labada dal ka maarmaan Fiisaha, dadaal lagu doonayo in lagu xoojiyo Ganacsiga iyo Maalgelinta.
Si kastaba ha ahaatee, Xilligan Muwaadiniinta Soomaalida iyo kuwa Kenyanka waxay bixiyaan 50 Dollar si ay u helaan Fiiso Dal-ku-galka, kaasi oo u oggolaanayo inay dadkooda soo booqdaan amaba Hawlo Ganacsi darteeda uga kala gudbaan Xuduudka
©Radio Dalsan