Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Booliiska degmada Deyniile, ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqani Daahir Shire, kadib markii lagu eedeeyey inuu si bareer ah cagaf-cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafadda Gubta ee degmadaasi.
Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii bulshada deegaanka ay si weyn uga soo horjeesteen xaalufinta loo geysanayo dhirta muhiimka ah ee deegaanka.
Booliska ayaa qoraal ay soo saareen ku xaqiijiyey in eedeysanaha la horkeeni doono maxkamadda awoodda u leh si loogu qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan falka uu ku kacay. Sidoo kale, ciidamada booliska ayaa fariin adag u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo uga digay inay ka fogaadaan xaalufinta dhirta oo ah mid si weyn u dhaawici karta deegaanka, isla markaana saameyn taban ku leh nolosha aadanaha iyo deegaanka.
Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale xusay in geedaha aan loo arkin oo kaliya qayb ka mid ah deegaanka, balse ay yihiin xubin muhiim ah oo ka qayb qaadata ilaalinta nolosha, nabadda, iyo bilicda magaalooyinka. Sidaas darteed, Boolisku waxa ay bulshada ku dhiirrigeliyeen inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si looga hortago falalka caynkan oo kale ah oo waxyeelleyn kara deegaankeenna iyo mustaqbalka jiilalka soo socda.
Tallaabadan ay qaadeen ciidanka Booliska ee degmada Deyniile ayaa muujineysa sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka hortagaan wax kasta oo khatar gelinaya deegaanka iyo bulshada Soomaaliyeed, iyagoo mar walba ku howlan ilaalinta sharciga iyo danta guud.