Hadal-qoraal oo ay si wadajir u soo saareen QM, Midowga Afrika, IGAD, Maraykanka, Italy, Sweden, Britain iyo Ethiopia waxay walaac daran ka muujiyeen Doorashadii shalay ka dhacday caasimadda HirShabelle ee Jowhar ee Kursiga Aqalka Hoose ee Barlamaanka, taasi oo uu ku guuleystay Musharax horey looga mamnuucay Doorashadda.
Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban (FIEIT) waxay dhawaan ka joojiyeen Mohamed Abdillahi Hassan “Nuux” oo ah Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka ee uu xilli-hawleedkeeda dhamaaday iyo Musharax kale ee Axmed Sheekh Nuur Musharaxnimadda Kursiga ay ku loolamayeen, doorkii ay ku lahaayeen rabshadihii ka dhacay bsihii hore gudaha iyo dibedda ee Xarunta Doorashadda ee magaalladda Jowhar, laguna dhaawacay tiro dad ah oo ay ku jireen Ergadda Guddiga Doorashadda.
Qoraalka ay sida wadajirka u soo saareen Beesha Caalamka, ayaa lagu xusay in Doorashadii shalay ka dhacday Jowhar xadgudub ku tahay Qoraalkii ay Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban bishan Decmeber 7-dii u direen Guddiga Doorashadda Heerka Gobalka ee HirShabelle iyo Madaxweynaha Maamulkaasi, Cali C/llaahi Cosoble ee lagu muujiyey in Doorashadda laga mamnuucay Labadaa Musharax inay Beesha Jiidle ugu tartamaan Kursiga ay ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Beesha Caalamka waxay sheegeen in doorashaddii shalay ka hor imaanayso Sharciyadda lagu dhisay Hannaanka Doorashadda Somalia ee ay isku raaceen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ee guddiga Doorashadda awoodda loogu siiyey inay tallaabo ka qaadaan Musharixiinta Barlamaanka eek u xad-gudba Xeerka Ama ku hawlan Xad-gudbyadda iyo Dhaqan-xumida.
Dhinaca kale, Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa uu Doorashadii ka dhacday Jowhar ku sifeeyey Walaac xooggan, wuxuuna xusay in lala xisaabtami doono Qas-wade kasta ee lagu helo inuu ku xadgudbay Xeerarka Doorashadda.
©Radio Dalsan