Sawirro:-Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Fiidnimadii xalay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen duleedka degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir.

Intii ay howlgalka ku jireen Ciidamada ayaa waxaa goobta gaaray mas’uliyiin uu horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay sigaar ah uga sameynayeen wadooyinka dhinaca Koonfureed ka soo gala degmada Kaxda iyo kuwa ka baxa.

guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in goobaha ay ciidamada howlgalka ka sameeyeen dowr mar ay yimaadeen Aal-Shabaab.

Waxa uu sheegay in amniga goobihii ay booqdeen ay yihiin kuwo wanagsan,isla markaana meel walba ay uga daba tagayaan Al-Shabaab.

Guddoomiye Tuulax aya atodobaadyadii la soo dhaafay waxa uu wado kormer dhinaca Amniga ah,isga oo kroeeray inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor