Baydhabo: Madaxweynaha Konfur Galbeed oo dalbaday in si deg-deg ah loogu soo gurmado dadka ay saameysay abaarta.

Shariif Xassan Sheikh Aadan madaxweynaha maamulka Konfur Galbeed ayaa markale ku celiyey baaqa ah ugurmashada dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan deegaanada maamulkaas.

Madaxweyne Shariif Xassan ayaa sheegay in dhibaatooyin xaga nolosha ay ka jiraan meelaha qaar dadkuna ay ku noolyihiin xaalado adag,isalamarkaana ay u dheer tahay cuduro iyo nafaqi darri heysata dadkaasi,waxaana uu ugu yeeray qofkastaa oo wax bixin kara inuu ka qeyb qaato gurmadka loo fidanayo dadkaasi.

Shalay Baydhabo markii ugu horeysay waxaa gaaray xoghayaha Qm Antonio Guterres oo booqasho ku yimid Muqdisho,waxaana uu kormeeray xaaladaha iyo daruufaha ay ku noolyihiin dadka ay saameysay abaarta ee yimid magaalada Baydhabo,si uu u qiimeeyo xaalada nololeed ee ka jirta Koonfur Galbeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media