Taliyayaal Ciiddan oo ka kala socda 10-Waddan ayaa waxay maanta Kulan Khaas ah ku yeelan doonaan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si ay uga wada xaajoodaan Ammaanka Gobalka iyo sidii Ciiddanka Heeganka ee Bariga Afrika loogu dada-gureyn lahaa Deegaanadda ay Colaadaha ka jiraan.
Taliyayaashaasi ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Somalia, Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Sudan, Uganda, Comoros iyo Seychelles, waxayna si wadajir ah horey ugu asaaseen Taliska Ciiddanka Heeganka ee Bariga Afrika (The East African Standby Force [EASF].
Dhinaca kale, Wasiiradda Gaashaandhigga ee 10-kaasi Waddan ayaa iyaganala filayaa inay maalinta Jimcaha ee soo socota Kulan Khaas ah ku yeeshaan Hotelka Imperial Royale oo ku yaalla Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si ay iskula eegaan Xaalladda Ammaanka ee Somalia iyo South Sudan iyo qaabka Hawl-gelinta ee Ciiddanka Heeganka ah ee Bariga Afrika (The East African Standby Force [EASF].
Ciiddankaasi waxaa a asaasay sannadkii 2002-ka, waxaana loo idmaday inay xoojiyaan Ammaanka iyo Nabadda ee dalalka Bariga Afrika iyo in si dhaqso leh loogu diri karo hadba dalka u baahan in lagu sameeyo Faragelin Milliteri oo Degdeg ah.
©Radio Dalsan