Dacwad-oogaha dalkaasi ayaa sheegay in maanta la dilay 3 nin oo ka soo jeeda Muslimiinta Shiicada, kuwaasi oo lagu helay inay ka dambeeyeen qarax bam oo lagu dilay 2-Askari oo u dhashay Baxrayn iyo Sarkaal Bolis oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta sannadkii 2014-kii
Saddexda qof ee maanta lagu dilay caasimadda dalka Baxrayn ee Manama ayaa la kala oran jirey Cabaas Al-samiic, Saami Mushaymac iyo Cali Al-sinkisi, Waana xukunkii dilka ee ugu horreeyey ee ay Dowladda Baxrayn fuliso tan iyo sannadkii 2008-dii.
Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Boliska dalkaasi ayaa maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday Xaafadda Bani Jamra ee Galbeedka caasimadda dalkaasi ee Manama.
Sarkaalkaasi ayaa la dhaawacay, xilli uu la socday Gaari Bolis oo kala cayrinayey dad dhigayey Dibadbax looga soo horjeeda Boqortooyadda dalkaasi.
©Radio Dalsan