Dibad-baxyo ballaaran oo weli ka socda Magaalada Bankog

Dibadbaxayaasha u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa isugu soo baxay caasimadda Thailand ee Bankog, dibad-baxaan ayaa noqoya kii ugu weynaa ka dib afgambigii militari ee 2014 ka dhacay dalkaasi, kaas oo uu xukunka kula weegay ra’iisul Wasaare Prayuth Chan-ocha.

Kumanaan qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa Sabtida maanta isku dayay inay  xoog ku galaan xarunta Jaamacadda Bangkok ee Thammasat University, oo ah xarun muddo dheer astaan u ahayd dimuqraadiyadda,  balse waxay dibad-baxayaashu aadeen dhinaca beerta Sanam Luang ee ku dhow qasriga boqortooyada.

Warbaahinta Thailand ayaa saadaalisay in kumanaan qof oo dibad baxayaal kale ah ku biiri karaan isu soo baxa, lana filayo in uu socdo ilaa iyo Axada.

Booliska Bankok waxey sheegeen in ay howlgalin doonaan ciidamada ka hortagga rabshadaha si loo xakameeyo dibad-baxayaasha.

Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday dibad baxayaasha ayaa muujinaya iyaga oo isku sii fidinaya goobaha kale ee uusan dibad baxu gaarin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media