Fagaaraha Taalada Daljirka Dahsoon Ee Degmada Boondheere waxaa Dibad Bax Taageera ah Maanta oo Jimco ah Ka Dhigay Boqolaal Dadweyne oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Muqdisho Waxaana ay Taageereen oo ay soo Dhaweeyeen Go’aanka Maxkamada QM oo Qaadeysa Dacwada Muranka Dhanka Badda Soomaaliya Iyo Kenya.
Dadkaan ayaa Ka kalayimid Degmooyinka Gobolka Banaadir si ay umuujiyaan Dareenkooda Ku Aadan inay Dacwadaasi Qaado Maxkamada ICJ oo iyadu Xukmisay inay Qaadi Karto Kiskaasi Halka Keyna ay Ku An Dacooneysay in aysan Maxakamadu Gali Karin Dacwada Badda.
Waxa Halkaasi kula hadlay Dadweynihii isugu yimid Maanta Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir waxana Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Maxamed Axmed Diiriye uu sheegay Inay ku Faraxsanyihin Go’aankii Shalay ay Gaartay Maxkamada Cadaalada waxana uu Tilmaamay in Madaxda Qaranka iyo Shacbku ay numidaysanyihin Difaacad Badda.
Halkaan Hoose Ka Dhageso Codka Ku Xigenka Gobolka.