Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn Cafin ah la saxiixatay saddex Dal

Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiisyada Deyn Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris  “Paris Club”.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka Mareynkanka.

Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay, waxaana dowladda ay heshiiska la saxiixatay  Ingiriisk, Denmark iyo Netherlands.

“Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million oo doolarka Mareykanka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaal xoog oo ku aadan Arrimaha deyn cafinta dalka, isla markaana waxaa xusid mudan in dowladda horey looga Cafiyay lacago aad u badan oo deyn ahaa loogu lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media