• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya guddoomiye maka noqon karaa qof ajnabi ah?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 14, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa maalmahan aad la isula dhexmarayaa in guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loo wado in loo magacaabo nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaasi oo uu magaciisu yahay Nigel Roberts.

Arrintan oo aysan BBC-da ogeyn xaqiiqadeeda ayaa dhalisay hadal heyn badan iyo dood, waxaana jira dad badan oo kasoo horjeeda.

Prof Yaxye Caamir oo ah dhaqaalayahan Soomaali ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa taleefishinka Dalsan u sheegay in xeerka bangiga dhexe uu gebi ahaanba mamnuucayo in qof aan Soomaali ahayn uu qabto xilka guddoomiyaha bangiga dhexe.

“Qodobka 130-naad, qeybtiisa A ee xeerka Bangiga Dhexe ayaa mamnuucaya in qof aan Soomaali ahayn uu qabto xilka guddoomiyaha bangiga” Ayuu yiri Yaxye Caamir.

Waxa uu intaas ku daray in dastuurka dalka ee guud uu qabo in shaqo qof Soomaali ah uu qaban karo aanan loo magacaabin qof ajnabi ah.

Balse golaha wasiiradda ayaa baarlamaanka u gudbiyay wax ka badalka xeerka Bangiga Dhexe, gaar ahaan qodobka 130-aad, waxaana war qoraal ah lagu yiri “Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharciga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) waxaa loo ogolaaday guddiga xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ahaan, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya”.

Waxaase jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ka horyimid in qof ajnabi ah loo magacaabo Bangiga Dhexe.

Maxamed Mukhtaar waa agaasimaha mac-hadka cilmi baarista siyaasadda ee SIPAM, waxa uu BBC-da u sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in qof ajnabi ah loo magacaabo Bangiga Dhexe, sharcigana uu yahay mid cad oo dhigaya in cid aan Soomaali ahayn loo magacaabi karigan xilkan.

“Bangiga hadda ma qabto shaqooyinkii loogu talogalay, lacag ma daaboco, sarifka ma jaangooyo, sicir waxbo kama oga, kaliya waa bangi kayd oo dowladda ay lacago dhigato, marka maba jirto baahi sidaas usii weyn oo qof ajnabi ah loo soo magacaabo” ayuu yiri Maxamed Muktaar.

Agaasimaha SIPAM oo aan weeydiinay su’aal ahayd waxa laga yeelayo haddii Bangiga Adduunka iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ay dowladda Soomaaliya shuruud kaga dhigaan in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibo si lacagaha la siinayo loogu aamino ayuu yiri “ma qabo in ay jirto horta shuruudaas, balse haddii ay jirto waa midab takoor, waana arrin lagu qabsan karo Bangiga Adduunka”.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo ku saabsan xulashada la sheegay in Nigel Roberts loo wado Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba waa maxay shuruudaha laga doonayo qofka qabanaya guddoomiyaha bangiga dhexe

  1. Waa inuu noqdaa qof hufan oo:

2.Soomaali ah.

3.Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka.

4.In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan

(2). Heerka Aqoonta iyo Waayo Aragnimo Shaqo ee guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo aan heysan

1.Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta.

2.Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano.

3.Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah….

Xigasho BBC SOMALI.

Previous Post

Dowladda Qatar oo cambaaraysay weerar habeen ka hor lagu qaaday Hoyga Guddoomiyaha Degmadda Dayniile

Next Post

Turkiga oo jawaab ka bixiyay hanjabaad uga timid Donald Trump

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

Turkiga oo jawaab ka bixiyay hanjabaad uga timid Donald Trump

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00