Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Bangiga addunku uu Soomaaliya ugu deeqay 45-Malyan oo dollar.
Isaga oo ka hadlayay arrintaas ayuu tilmaamay in bangiga dhexe ee Soomaaliya lagu soo shubay lacagtaas islamarkaana loo adeegsan doono arrimaha bulshada iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaaca ka qaday in Soomaaliya ay dadaal badan ay ku bixisay cafinta deymaha lagu leeyahay taas oo qeyb ka ahaa caqabadaha ku taagan Soomaaliya.
Dhinaca kalana waxa uu sheegay in balan qadyo ay sameysay dowladda muddo laba sano laga joogana aan u sheegay bulshada Soomaaliyeed in la gaari doono xilli barwaaqa ah haatana la taaganyahay.