Waxaa sii xoogeystay Banaanbaxa Maaalada Muqdisho Maalintii labaad ay ka dhigayaan qaar kamid ah darawalada gaadiidleyda BL-ka ee howlgasha Waddooyinka ku yaalla Muqdisho.
Banaanbaxa gaadiileyda ayaa saakay ka soo bilowday Isgoyska KM-4 iyo Isgoyska 14-Octoober, waxaana haatan ay ku sugan yihiin qeyba kamid ah Wadada Sodonka, iyagoona halkaas ka dhigaya Banaanbax xoogan.
Sidoo kale gaadiidleyda BL-ka ayaa Wadooyinka qaar ku gubaya Taayaro waaweyn, iyadoona Cabanaya Lacago lagu kordhiyay Gaadiidka iyo xirnaashaha Waddooyinka.
Gaadiidleyda BL-ka ee maalintii labaad Banaanbaxa ka wada Muqsisho ayaa waxaa ay sheegeen in banaanbaxa ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay Cadaalad ka helayaan.