Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Dadka dhigaayay Banaanbaxa oo isugu jiray Caruur,dhalinyaro iyo Haweeney ayaa isugu baxay bartamaha Jowhar,iyagoona aad u careysnaa xarig halkaas loogu geystay in ka badan 700 ruux oo isugu jiray dhalinyaro iyo Odayaal dhaqmeed,kuwaasi oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay Jowhar.
Sidoo kale dadka banaanbaxa dhigay ayaa ay sheegeen in Ciidanka howlgalka sameeyay ay falal kala duwan kula kaceen Odayaaal ay ka soo bixiyeen iyaga oo ku jira Masjidyo,isla markaana ay ku xireen Saldhiga Booliska Hirshabeelle.
Ciidanka amniga Hirshabeelle ayaa howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Jowhar,kadib markii Xaafadda Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Wiil yar uu dhalay,iyadoona lagu dilay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed.
Saraakiisha laamaha Hirshabeelle ayaa waxaa sheegeen in dadka howlgalka lagu soo qabtay qaarkood ay ku jiraan kuwo looga shakiyay falal amniga darro,isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano.
Weerarkii lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxumed Sugaal Cismaan ee ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.