Hubert Hudson Price ayaa loo soo magacaabay Madaxa Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia (The Head of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS).
Hubert Hudson Price oo ah Kolonel Hawlgab ka noqday Milliteriga dalka Maraykankla waxa uu tan iyo sannadkii 1994-kii ku lug lahaa Hawlgalladda Nabad-ilaalinta QM ka wadeen dalalka Mozambique iyo Angola iyo isagoo ka soo shaqeeyey Saldhigga Loojistikadda QM ku leedahay magaalladda Brindisi ee dalka Talyaaniga.
Khabiirkaasi oo 63-jir ah waxa uu ka soo qalin jebiyey Jaamacadda The University of Richmomd ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, wuxuuna Shahaadada Nidaamka Maaraynta ka soo qaatay Jamaacadda The University of Southern California.
Mas’uulkaasi oo in ka badan 20-sanno oo Khibrad u leh Hawlaha Nabad-ilaalinta QM, ayaa waxa uu inta badan ahaa Agaasimaha Hawlgalka QM ee Taageerida Liberia (UNMIL) muddadii u dhexeysay 2010-kii ilaa 2015-kii, kadibna waxaa loo magacaabay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Waaxda Goobaha Taageeradda ilaa bishii June ee sannadkan 2016-ka.
Waxa kale oo uu Madaxa dhinaca Adeegyadda Taageeradda ka ah Hawlgalladda Nabad-ilaalinta QM ka wadeen dalalka East Timor iyo Ivory Coast.
©Radio Dalsan