Saraakiisha Xeebaha ee dalalka Talyaaniga iyo Libya ayaa sheegay in shalay la so obadbaadiyey ku-dhawaad Lix kun iyo Konton iyo Shan Tahriibayaal ku sii jeeday Xeebaha Qaaradda Europe.
Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxay sheegeen inay ugu yaraan 9 Tahriibe geeriyoodeen, halka Haweeney Xaamilo ah iyo ilmo yar loo qaaday Isbitaal ku yaalla Jesiiradda Lampedusa.
Mid ka mid ah Maraakiibta Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 725 Tahriibayaal la socotay hal dooni oo nooca la buufiyo.
Saraakiisha Libya ayaa iyagana sheegay inay maydadka 11 Tahriibe laga helay Xeebta Bariga caasimadda dalkaasi ee Tripoli, halka 2 kalena ay ku geeriyoodeen dooni ku degtay Xeebta magaalladda Sabratha ee Galbeedka Libya.
Hawlgalladda lagu soo badbaadiyey Tahriibayaashaasi waxaa ka qeyb galay 10 Markab oo ay Ilaaladda Xeebaha leeyihiin, mrakab Dagaal iyo Markab ay leeyihiin Ururadda Samafalka.
Hawlgalka shalay lagu soo badbaadiyey Kumanaanka Tahriibayaasha ayaa ku soo beegantay Sannad-guuradii 3-aad ee ka soo wareegtay markii ay 386 Tahriibayaal u badan Somalia ku degtay Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga bishii October 3-da ee sannadkii 2013-kii.
Dhinaca kale, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay inay 132,000 oo Qaxooti ah sannadkan gaareen Xeebaha Talyaaniga, halka saddex kun iyo konton iyo afar kale geeriyooden.
©Radio Dalsan