Iyadoo lagu jiro Xilliga Xaggaaga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa soo badanayo dadka dhibaatadda kala kulmay Mowjadaha Kacsan ee Badda dalkaasi.
Boliska magaalladda Sharjah iyo Ciiddanka Difaaca Madaniga ee Cajmaan ayaa uga digay Kalluumeysataya iyo dadka ku dabaasha Badda uga inay taxadir dheeraad muujiyaan, kana digtoonaadaan Mowjadaha Baddaha ee aadka u kacsan.
Tan iyo Jimcihii la soo dhafaay, Shilal dhimasho oo ilaa 5 qof ayaa la soo weriyey inay ka dhaceen meelaha ka baxsan Xeebaha magaallooyinka Dubai iyo Sharjah.
Shabakadda Wararka ee filipinotimes.ae ayaa maanta qortay in Maydka Muwaadin Somali oo 24-jir ah laga helay meel ka baxsan Xeebta Al-khaan. Sidoo kale, maydadka rag u kala dhashay dalalka India, Sri Lanka iyo Syria ayaa laga helay meel ka baxsan Xeebaha Um Suqeym ee u dhow Dhismaha Burj Alaran, Sharjah iyo Al-xamriya.
Dhinaca kale, Boliska magaalladda Dubai ayaa sheegay inay kordhiyaan Boliska ilaaladda ka haya Badda iyo Kooxaha wax badbaadiya.
©Radio Dalsan