Wararka laga helayo magaalada boosaaso ayaa sheegaya in fiidkii caawa bam-gacmeed lagu weeraray dhismo ay ku sugnaayeen mas,uuliyiin katirsan maamulka gobolka barri oo uu kamid ahaa gudoomiyaha gobolkaasi.
Kooxo hubeesan ayaa bam-gacmeedkaas ku tuuray goob ay kusugnaayeen ciidamada puntland oo ilaalo ka hayay dhismahaasi.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasraaha ka dhashay weerarkaa oo goor dhaw dhacay. waxaana adag in warar sax ah laga helo khasaaraha halkaa ka dhashay ee soo gaaray ciidanka la weeraray iyo mas’uuliintii Dhismahaa kusugnaa.
Howlgal baaritaan ah ayaana goobta ka bilaawday kadib weerarkaa loo adeegsaday bam-gacmeedka iayadoona magaalada lagu arkayo ciidamo badan.