Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulnkaas oo ay uga doodayeen Ajandaha ku saabsan ansixinta Miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017,ka.
Dood dheer kadib waxaa cod loo qaaday sidii loo ansixin lahaa miisaaniyadda dowladda,waxaan intaasi kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyay 167 Mudane.
Shir Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay ansax tahay Miisaaniyadda dowladda Maadaama natiijadii soo baxday ay ku ansixiyeen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliya.
Horay waxaa u jiray xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood oo dood ka qabay Miisaaniyadda balse laga dalbaday in duruufa jira aawgeed ay u ansixiyaan taas oo ugu dambeyn ay Maanta ansixiyeen.
Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in la fasaxay Miisaaniyadda ciidanka inta ay doodu socoto,waxana tani ay u tahay Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Guul u soo hoyatay.