Baarlamaanka Puntland oo Wasiir Su’aalo ka weydiiyay Arrin Cabasho ah

Shirka 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibrii oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa waxaa hortegay Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Fadhiga maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga weydiiyey cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL.

Cabashooyinkaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo. Wasiirka Maaliyadda DPL ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashooyinka ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka DPL uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.

Wasiirku waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan Hay’adaha kor ku xusan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay’adahaas.

Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxu arrintaas u magacaabay Guddi ka soo talo-bixiya soona lafa gura, Guddigana warbixin ku soo celiya fadhiga 5-aad Haddii Alle idmo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media