(SAWIRO): Tahriibayaal Soomaali la xiray iyo maydad ay Soomaali ku jiraan oo laga helay Xeebaha Masar.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa dalka Masar, waxay Ilaaladda Xeebaha ee Masar gacanta ku dhigeen 105 Tahriibayaal, kuwaasi oo doonayey inay u tahriibaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Tahriibayaashaasi oo 74 ka mid ahaayeen Soomaali ayaa lagu qabtay Xeebta degmadda Kafar Sheekh ee dalkaasi , kadib, markii ay la qalibantay dooni ay ku safrayeen.

Shilkaasi waxaa ku ku geeriyootay 9 Tahriibayaal oo 7 ka mid ah Somali ahaayeen.

Madaxa Ambalaasyadda ee Isbitaalka Degmadda Kafar-sheekh ee dalka Masar, Dr. Axmed Al-jansuuri ayaa sheegay in la aqoonsaday maydadka oo u kala dhashay dalalka Masar, Syria iyo Somali, isla markaana maydadka lagu wareejiyey eheladooda, si ay u aastaan.

mayd5 maydka2 mayd6 maydka1 mayd10 maydka4 maydka3 maydka7 maydka9 maydka8

Xigasho: Youm7

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor