Wasaaradda Difaaca ee Raashiya ayaa xaqiijisay inay 5 Askari ku geeriyoodeen Diyaarad Helikoptar oo shalay lagu soo riday Gobalka Idlib ee dalka Syria.
Helikoptarka oo nooceeda ahaa Mi 8 ayaa la toogtay xilli ay ka soo laabanayso magaalladda Aleepo oo ay Kaalmo Samafal gaarsiiyeen.
Dadka ku geeriyooday Diyaaradda la soo riday ayaa kala ah 3 shaqaalihii Diyaaradda iyo 2 Sarkaal.
Bishii hore ee July, 2 duuliye ayaa lagu dilay Gobalka Xomas ee Bartamaha Syria, kadib, markii sy Kooxda Daacish toogteen Helikoptarkii ay la socdceen oo nooceedu ahaa Mi 25 Helicopter.
Bishii April ee la soo dhaafay, 2 Duuliye ayaa ku geeriyootay kadib, markii ay Helikopterkii ay la socdeen ku burburtay meel ku dhow magaalladda Xomas.
Milliteriga Raashiya ayaa sheegay inaysan hanin wax caddaymo ah oo muujinaya in Diyaaradda la soo toogtay.
Bishii November ee la soo dhaafay, Diyaarad Dagaal oo ay Raashiya leeyihiin ayaa lagu soo riday xuduudka Turkiga la wadaago Syria.
Mid ka mid ah Duuliyaasha ayaa la toogtay, laguna dilay dhulka, kadib, markii uu Baarshuud kaga soo booday Diyaaradda, intaysan Ciiddanka Cirka Turkiga tooganin.
©Radio Dalsan