Wararka naga soo gaaraya Gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa lala eegtay Gaari noociisu ahaa Motabiish oo ay la socdeen Ciidanka xili uu marayay wadada xiriirisa Magaalada Wajeer iyo deegaanka Kutulo.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxaas,hayeeshee si dhab ah weli looga oga,maadama goobta uu qaraxu ka dhacay ay tahay dhul howd ah oo ku yar yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Al-shabaab Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoona sheegay in gaariga uu qaraxa haleelay gebi ahaantiisba uu burburay.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Kenya oo ay uga hadlayaan qaraxii lala eegtay gaari ay saarnayeen Ciidankooda oo marayay wadada xiriirisa Magaalada Wajeer iyo deegaanka Kutulo.