War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegayaan in Darawal Mooto Bajaajle ahaa lagu dilay Isgoyska howlwadaag ee Gobolka Banaadir lana dhaawacay Wiil dhalinyaro ah oo saarnaa Mootada.
Dilkaan ayaa waxaa geystay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ee xiligaas ku sugna Isgoyska  howlwadaag,waxaana la sheegay in uu si bareer ah u dilay Darawalka una dhaawacay wiilkiil la socday.
Sidoo kale waxaa la sheegay in falka dilka ah inta uusan dhicin kahor uu Muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Darawalka Mooto Bajaajle ahaa,isla markaana markii dambe uu toogtay.
Dhaawaca Wiilka saarnaa Mootada ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in la geeyay Isbitaal Jaamacada Soomaaliya ay leedahay oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Askarigii ka tirsan Ciidanka Booliska ee falkaan geytay ayaa durbo goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxana Meydka Darawalkii la dilay loo qaaday Xarunta CID-da.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale loogu dilay Darawaliin badan oo ka shaqeysan jiray Mooto Bajaajta,iyadoona dil dhawaan loo geytay Darawal Mooto bajaaj uu si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow).