Ciidanka amniga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland oo dhawaan halkaas ku dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Taliyaha qeybta Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in laamaha amniga ay sameeyeen howlgal kala duwan oo lagu raadinayay Askarigaas oo si bareer u dilay Nin Ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Daahir Aadan iyo laba qof kale.
Taliye Muumin Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Askariga gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay degaanka Shakaal ee hoostega degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, isla markaana la xiray.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in labada qof kale ee shacabka ahaa ay ku dhinteen Israsaaseyn dhexmartay Askariga dilka geystay iyo Ciidamo ka tirsan Puntland oo xiligaas doonayay inay gacanta ku dhigaan Askarigaas, hayeeshee rasaasta ay haleeshay laba ruux oo goobta ka Agdhawaa.
Ugu dambeyn Taliye Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in Askarigaas cadaalada la horgeeyn doono, wuxuuna Askarta Booliska ee ku sugan gudaha Magaalada Gaalkacyo uga digay in dadka shacabka ah ay dhibaato u geystaan.