Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Xalay Magacaabay Wasiiro Cusub oo ku biiraya Golahiisa Cusub Ee Wasiiradda.

Axmed Siilaanyo waxa uu sido kale isku shaandheyn kooban uu ku sameeyay markii labaad Golaha Wasiiradda Somaliland.

Halkan ka akhriso Xilalka La Magacaabay iyo Isku shaandheynta kooban:

Pro Farax Celmi Geedoole Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashadda waxana uu hore u ahaa Wasiirka Beeraha.

Shuceyb Maxamed Muuse oo hore u ahaa Duqa Magaaladda Gibiley ayaa loo Magacaabay Wasiirka Warshaddaha.

Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa loo Magacaabay Wasaaradda Beeraha.

Maxamed Faarax Ducaale waxa loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Cabdullahi Jaamac Cali Waxa loo Magacaabay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe waxana hore Xilkasi u haayay Cabdi Dirir Cabdi.

Yuusuf Axmed Cali Waxa loo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Warsame Faarax Ibraahim Waxa loo Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Hawd iyo Cusman Cabdullahi Hirad oo Loo Magacaabay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Biyaha Magaaladda Hargeysa.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor