Shalay Gelinkii dambe waxaa deegaanka Miirtaqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Haweeney iyo Gabadheeda xili ay ka yimaadeen deegaano ay Maamulaan Al-Shabaab.
Intaas kadib Maamulka degmada ayaa sheegay in ay baadi goob u galayaan sidii loo soo qaban lahaa Askarigaas oo aan ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu dadkaasi u dilay.
Wararka aan saakay heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulku ay u suurtagashay in ay Gacanta ku soo dhigaan Askarigii dilkaas geestay.
Gudoomiyaha deegaanka Miirtaqwo ee horay loogu yaqaanay Miir-tuugo Mahdi Cali Cariif ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen askarigaas isla markaana Cadaalada la waafajin doono.
Deegaanka Miirtaqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe dhacdooyinka noocaan oo kale ayaa dhowr Mar ku soo laab laabtay walow Maamulku ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.