Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Labaad booqasho ku jooga dalka Kenya waxa uu xalay Kulan qaatay muddo 3 saacadood ah la yeeshay Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Xiriirka Dibedda.
Kulankaasi oo ka dhacay Hotelka Booma Inn Hotel magaalladda Eldoret ee Galbeedka Kenya ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka dibedda ee Barlamaanka Kenya, James Gethenji iyo Safiirka Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamal Mohamed Hassan.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in Kulankaasi aad looga hadlay horumarka laga sameeyey Xaqiijinta Ammanka Somalia tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii ay Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya, James Gethenji waxa uu sheegay inay Guddi u saarayaan si ay baaritaano ugu soo sameeyaan weerarkii lagu dilay Askarta Kenyanka iyo Doorka Kenya ee Hawlgalka AMISOM.
“Waxaan doonaynaa inaan dood dhex dhigno Barlamaanka oo looga xaajoonayo Doorka Kenya ee Dib-u-xoreynta Somalia†ayuu yiri James Gethenji.
Waxa uu intaasi ku daray in Hawlgalka Somalia laga gaaray guul, balse loo baahan yahay in dib looga fekero Caqabadaha ku gudban in Horumar dhamaystiran laga gaaro Hawlgalkaasi.
©Radio Dalsan