Madaxweyne Lafta-gareen oo ka degay Magaalada Baraawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebedka Baraawe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor