Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ee darajada Koowaad ayaa maanta oo tallaado ah u fadhiisatay dhageysiga dacwad 6 Askari oo kamid ahaa Ciidanka Booliska Jubbaland,kuwaasi oo loo heysto eedeeymo la xiriira falal amniga darro.
Lixda askari oo Maxkamadda Ciidanka Jubbaland u fariisatay dhageysiga dacwadooda ayaa waxaa labo kamid ah lagu xukumay min afar sano oo xarig ah.
Sidoo kale mid kamid ah askarta ayaa waxaa lagu xukumay in uu bixiyo diyo nin horey uu u dilay,halka saddexda kale ay Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ee darajada Koowaad dib loogu celiyay xoriyaddooda kadib markii lagu waayay wax dambi.