Askar Kenyan oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Jubbooyinka.

Kadib, weerarkii dhiumashadda badan dhaliyey ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Saldhigga ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kul-biyow, ayaa  waxay Alshabaab shalay qarx miino la beegsadeen Ciiddan Kenyan ah oo marayey inta u dhexeysa Deegaanka Cbdall Biroole iyo Kismaayo.

Warbaahinta Kenya aya sheegtay in miino lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciiddan Kenyan ah, iyadoo ay dhowr Askari ku dhaawacantay, sida ay sheegteen.

Dhinca kale, Saraakiisha Ciiddanka Kenya iyo kuwa Taliska AMISOM weli wax war ah kama soo saarin Qaraxaasi, mana aha markii ugu horreysay ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab qaraxyo iyo weeraro la beegsadaan Askarta Kenya iyo kuwa kale ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media