Howlgal Caawa ka socda Xaafado ka tirsan degmada Shibis

Howlgalkaan ayaa Cidamada dowladda Soomaaliya waxa ay ka wadaan Caawa  Xaafadaha Calasoow dheere iyo Axmed Gureey oo dhamaantood ka tirsan degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka ayaa Caawa ku sugan degmada Shibis kuwaas oo Guryaha dadka u galaya kadibna wixii rag ah la soo baxaya.

Macada sababta ka dambeysa howlgalkas balse Wariyaheena Saleeman Xaaji Axmed Raage ayaa soo sheegaya in ciidamu dad farabadan ay iskugu keeneen Goob barxad ah oo ku taalla Xaafada Calasow dheere.

Dhowr Maalin ka hor ayaa Ciidamadu sidaan oo kale waxa ay howlgal uga sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Shibis kadib markii mid ka mid ah Shaqaalaha garoonka Aadan-Cadde oo deganaa degmadaas Gaarigiisa qarax loogu xiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media