Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta oo Axad ah ay xiran yihiin Goobihii ganacsi ee ku yaalla halkaas.
Ganacsatada ayaa soo sheegaya in sababta loo xiray goobaha Ganacsiga ee Guriceel ay tahay, kadib markii Wasaaradda Maaliyada dowlad Goboleedka Galmudug ay Ganacsatada ku rogtay lacag badan oo Canshuur ah.
Qaar kamid ah Ganacsatada oo la hadlay warbnaahinta ayaa tilmaamay inay ka cabanayaan lacagta Canshuurta ah ay ku rogtay Wasaaradda Maaliyada Gamudug ee laga qaadayo Ganacsiyada kala duwan, taasi oo ay sheegeen in aysan awoodin.
Sawirro laga soo qaaday goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa muujinaya in wax ganacsi ah uusan ka jirin Maanta halkaas, isla markaana inta badan ay xiran yihiin goobaha.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Maamulka Magaalada uu wado dadaadlo lagu doonayo in dib loogu furo goobaga Ganasi ah ee Guriceel, kadib markii arrintaas ay sameeyn ku yeelatay dadka deegaanka.