Asaasihii ahaana Agaasimihii Hay’adda Cilmi-baarista ee Sahan Research oo geeriyooday.

Allaha U Naxariisto C/raxmaan Cusmaan Raage ayaa saacadihii hore ee bishan March 7-dii ku geeriyooday magaalladda Toronto ee dalka Kanada.

Marxuumku waxaa uu ahaa Halgamaa Ma-daale u ololeeya Nabadda, wuxuuna in muddo ah ku so odhex jiray Hawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Bulshadda.

C/raxmaan Cusmaan Raage waxa uu kau dhashay Dhaqanka Reer Guuraanimadda, wuxuuna aabihiisa ahaa Askari.

Markii uu soo dhamaystay Tacliintiisa caadiga  waxa uu ku biiray Shaqada Qaranka sannadkii 1971-kii, waxa uu gaaray Darajadda Agaasime Guud, oo u uiska casilay sannadkii 1989-kii, ka hor dagaalkii sokeeye ee Somalia,

Sannadkii 1990-kii, waxaa loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa QM ee Gargaarka ee Somalia, xiriirinta Kaalmadda Samadalka ee qeybo ka mid ah Goballadda u usaameeyey Dagaalladii Sokeeye.

Bilowgii sannadihii 1990-aadkii, Allaha U Naxariisto C/raxmaan Cusmaan Raage waxaa loo magacaabay Agaasime-ku-xigeenka Mashaariicda Bulshadda ku soo baracay dagaalladda ee WSP-International & Interpeace.

Waxay ahayd door Tusaale u ah Jiilka Dhallinyuarada ee Cilmi-baarista Somalia, Nabad-=dhiska iyo Falaanqeynta.

Waxa uu wax ka asaasay Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland (The Puntland Development Research Centre) oo ku taalla Garowe, Akadeemiyaha Nabadda iyo Horumarinta (Hargeysa) iyo Xarunta Cilmi-baarista iyo Wada-xaajoodka (CRD) ee ka hawlgasha magaalladda Muqdisho.

Allaha U Naxariisto C/raxmaan Cusmaan Raage waxa uu sannadkii 2012-kii noqday Asaasaha Agaasimaha Hay’adda Cilmi-baarista ee Sahan Research oo ka shaqeysa Horumarinta Nabadda iyo Ammaanka, gaar ahaan Geeska Afrika.

Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay Xaaskiisa, Zahra Mahadalleh iyo 9 carruur oo uu dhalay, kuwaasi oo kala ah Kheyre, Mustafe, Nawaal, Saciida, Asma, Xusna, Ayaan iyo Mahad.

Allaha U Naxariisto. Aamiin

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media